
Tababaraha cusub ee kooxda Real Madrid, Xabi Alonso, ayaa qabtay shirkisii jaraa’id ee ugu horreeyay ka hor bilawga xilli ciyaareedka cusub ee La Liga, isagoo si faahfaahsan uga hadlay dareenkiisa, qorshaha kooxda, iyo mowduucyo badan oo xasaasi ah oo ku saabsan ciyaartoyda.
Ugu horreyn, Alonso wuxuu muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay inuu kusoo laabto kooxdiisii hore. “Mar walba xiriir wanaagsan ayaan la lahaa taageerayaasha Bernabéu. Mar walba waxaan dareemi jiray jacaylka taageerayaasha Madrid xitaa markii aan maqnaa. Diyaar ayaan ahay, aadna waan ugu faraxsanahay inaan gurigaygii kusoo laabtay,” ayuu yiri.
Marka laga hadlayo diyaar garowga kooxda, wuxuu qiray inay weli shaqo u taallo. “Waxaan leenahay meel badan oo aan ka horumarin karno,” ayuu yiri. “Fikradaha si tartiib ah ayaa loo hirgelinayaa… Fikraduhu waa cad yihiin, waa isku mid. Waan gaari doonnaa meesha aan rabno inaan gaarno.”
Mid ka mid ah su’aalaha ugu waaweyn ee taatikada ayaa ah booska daafaca midig. Markii la weydiiyay cidda ku soo bilaaban doonta, Trent Alexander-Arnold iyo Dani Carvajal, wuxuu si cad u sheegay inuu labadoodaba u baahan yahay. “Aad baan ugu faraxsanahay inaan haysto labo daafac midig oo aan caadi ahayn. Labadooduba way ciyaari doonaan wayna tartami doonaan. Waan isku beddeli doonnaa. Labadoodaba waan u baahan doonnaa.”
Marka laga hadlayo saxiixyo cusub, Alonso wuxuu ahaa mid ka gaabsaday. “Saxiixyo dheeri ah? Waxaan diiradda saarayaa ciyaartoyda aan hadda haysanno. Waxaan u baahanahay inay bixiyaan 100%,” ayuu yiri. Wuxuu sidoo kale ka hadlay mustaqbalka Rodrygo: “Xagaaga mar walba waxaa jira warar la isla dhexmaro. 100% ayaan ku xisaabtamayaa Rodrygo.”
Tababaruhu wuxuu sidoo kale ammaan weyn u jeediyey da’yarka reer Argentina ee Franco Mastantuono. “Wuxuu leeyahay lug bidix oo aan la aamini karin. Berri wuu ciyaari karaa,” ayuu yiri. “Wuxuu leeyahay tayo, tamar, wuxuu ka go’an yahay difaaca… Wuxuu ku jiraa heer aad u wanaagsan.” Markii la xusay in Mastantuono uu sheegay inuu jecel yahay Messi, Alonso wuxuu si fudud u yiri, “Taasi waa iska caadi maadaama uu yahay reer Argentina oo bidixle ah.”
Ugu dambayn, wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo mowduucyo xasaasi ah sida kulanka Barcelona iyo Villarreal ee Miami, isagoo yiri, “Waan ku raacsanahay bayaanka kooxda,” iyo go’aamadii garsoorka ee kulankii hore ee Barça, isagoo yiri, “Aniga iguma xirna inaan ka hadlo dhammaan ciyaaraha kale.”