
Kabtanka kooxda Manchester United, Bruno Fernandes, ayaa kashifay inuu “ka xanaaqay” oo uu “ka carooday” dhaqan uu ku tilmaamay mid aan habboonayn oo uu sameeyay garsoore Chris Kavanagh daqiiqado yar ka hor inta uusan qasaarin rigooradii muhiimka ahayd ee kulankii ay barbaraha 1-1 la galeen Fulham.
United ayaa la siiyey rigoore qaybtii hore ee ciyaarta kadib markii VAR ay xaqiijisay in qalad lagu galay Mason Mount. Laakiin markii uu Fernandes kubadda dhigayay oo uu isku diyaarinayay inuu laado, garsoore Kavanagh ayaa si taxaddar la’aan ah u hor maray oo isku dhacay kabtanka United.
Fernandes ayaa si weyn uga carooday falkaas, wuxuuna si cad u muujiyey sida uusan ugu faraxsanayn. Inkastoo uu isku dayay inuu is dejiyo, wuxuu rigooradii si weyn kor u mariyey birta.
“Waan ka xanaaqay,” ayuu Fernandes u sheegay Sky Sports ciyaarta kadib. “Qofka rigoorada tuuraya wuxuu leeyahay hab u gaar ah oo uu wax u sameeyo. Wuu iga xanaajiyey sababtoo ah garsooruhu raalli gelin kama bixin, taasina waa waxa i kiciyey daqiiqaddaas.”
Si kastaba ha ahaatee, xiddiga reer Portugal wuxuu si degdeg ah u raaciyey inaysan taasi cudurdaar u ahayn inuu qasaariyey. “Taasi cudurdaar uma ahan inaan rigoorada qasaariyey. Si aad u xun ayaan kubadda ulaaday,” ayuu qirtay.
Qasaarinta rigooradaas waxay noqotay mid qaali ah, maadaama ay United awoodi weysay inay hesho guusheedii ugu horreysay ee xilli ciyaareedka.