
Tababaraha kooxda Manchester United, Ruben Amorim, ayaa wareysi uu bixiyay si qiiro leh uga hadlay xaaladda kooxdiisa, isagoo kashifay dareenkiisa ku aaddan guuldarrooyinka iyo mustaqbalka qaar ka mid ah ciyaartoyda kooxda.
Wuxuu si gaar ah diiradda u saaray waxa ka dambeeya murugada guuldarrada iyo sidoo kale xaaladda da’yarka Kobbie Mainoo.
Hadalladiisii oo dhammaystiran:
Ku Saabsan Guuldarrada: “Waxaan u maleynayaa in taas ay tahay qeybta ugu adag ee guuldarrada; mararka qaar ma ahan natiijada, balse waa habka aanu ku luminay ama barbardhaca u galnay kulankaas. Waa waxyaabaha yaryar: u dagaalanka kubadda, orodka.”
Ku Saabsan Kobbie Mainoo: “Inta aysan si rasmi ah u dhicin [arrimaha suuqa], wax badan kama dhihi karo. Waxaan doonayaa in Kobbie [Mainoo] uu joogo. Waa inuu u dagaallamo booskiisa, waana u baahanahay Kobbie. Waan fahamsanahay in ciyaartoyda aan ciyaareyn xilligan ay niyad jabsan yihiin. Waa inaad dagaalanto inta lagu jiro usbuuca.”
Ku Saabsan Shaqsiyaddiisa Tababaranimo: “Haddii aad leedahay dabeecaddan oo kale, waa inaad fahamtaa inay jiraan waxyaabo wanaagsan iyo wejiga kale ee shilinka. Mararka qaar waxaan doonayaa inaan iska tago, marna waxaan rabaa inaan halkaan joogo 20 sano.”
“Runtii haddii aan daacad idiinla hadlo, mar kasta oo aan guuldarro sidan oo kale ah la kulano, sidaas ayaan noqon doonaa. Mararka qaar waxaan dhihi doonaa waan necbahay ciyaartoydeyda, marna waxaan dhihi doonaa waan jeclahay. Taasi waa habkayga aan wax u maareeyo.”
Ku Saabsan Xaaladda Hadda: “Waa inaan u noolaado maalinba maalinta ka dambaysa. Hadda waan fahmayaa arrintaas.”
“Xilligaas [guuldaradii], runtii aad ayaan u xanaaqsanaa una niyad jabsanaa, sababtoo ah waxaan u maleeyay inaan soo qaadanay xilli-ciyaareed-ka-horreeyay oo aad u wanaagsan. Hadda waa kulan cusub, diiraddayda waxay saaran tahay ciyaarta soo socota.”