
Xiriirka Kubadda Cagta ee Yurub (UEFA) ayaa soo saaray sharci cusub oo muhiim ah oo saameyn ku yeelan doona isku aadka Champions League mustaqbalka, sharcigaasoo si toos ah u saameynaya kooxda Liverpool iyo xafiiltankooda Real Madrid.
Isku aadkii dhawaan la sameeyay ee xilli ciyaareedka 2025-26, Liverpool waxay mar kale ku aadday inay garoonkeeda Anfield ku martigeliso kooxda Real Madrid. Tani waxay timid kadib markii ay sidoo kale xilli ciyaareedkii hore ee 2024-25 ay Reds gurigeeda kula ciyaartay Los Blancos.
Si kastaba ha ahaatee, sharcigan cusub ee UEFA wuxuu si cad u mamnuucayaa in xaaladdan ay mar seddexaad dhacdo. Sida ku cad qodobka 16.03 ee sharciga UEFA, “labo kooxood isku kulan gaar ah kuma wada ciyaari karaan tartan isku mid ah iyadoo ay isku koox martigelinayso seddex xilli ciyaareed oo xiriir ah.”
Maxay Tani uga Dhigan Tahay Liverpool?
- 2024-25: Liverpool waxay Real Madrid ku martigelisay Anfield.
- 2025-26: Liverpool waxay mar kale Real Madrid ku martigelin doontaa Anfield.
- Sidaas darteed, 2026-27: Haddii ay labada kooxood mar kale isku aad ku dhacaan wejiga horyaalka, waa wax aan suurtagal ahayn in ciyaarta lagu ciyaaro Anfield. Xaaladdaas, Real Madrid ayaa si qasab ah u noqon doonta kooxda martigelinaysa kulankaas.
Sharcigan looguma talagelin in la joojiyo kulamada waaweyn, laakiin in la xaqiijiyo caddaalad iyo in laga fogaado in isku koox ay si joogto ah faa’iidada garoonkeeda u hesho marka ay la ciyaarayso koox gaar ah.