Zubimendi oo Laba Gool oo Cajiib ah dhaliyay xilli Arsenal ay si Raaxo leh uga adkaatay Nottingham Forest

wararka ciyaaraha maanta
wararka ciyaaraha maanta

Kooxda Arsenal ayaa gaartay guul muhiim ah markii ay kusoo laabatay horyaalka Premier League, iyagoo si raaxo leh 3-0 uga adkaatay Nottingham Forest kulankii ugu horreeyay ee tababaraha cusub ee Ange Postecoglou.

Gunners, oo guuldarro kala soo kulantay Liverpool kahor fasaxii caalamiga ahaa, waxay doonayeen inay ka fogaadaan fashil kale oo xiriir ah.

Dhaawac Cusub & Goolkii Zubimendi

Inkaarta dhaawacyada Arsenal ayaa mar kale soo muuqatay kadib markii kabtan Martin Ødegaard uu dhaawac garabka ah garoonka uga baxay qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana beddelay da’yarka Ethan Nwaneri.

Si kastaba ha ahaatee, dhaawacaas ma uusan hoos u dhigin Arsenal, waxayna ugu dambeyn heleen goolkii hoggaanka daqiiqadii 30-aad. Waxaa gool volley ah oo cajiib ah meel ka baxsan xerada ganaaxa ka dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Martín Zubimendi, kaasoo ahaa goolkiisii ugu horreeyay ee Gunners.

Bilowgii Xoogganaa ee Qeybta Labaad

Arsenal waxay u baahatay wax ka yar hal daqiiqo qeybtii labaad si ay u labanlaabto hoggaankeeda, waxaana iska kaashaday labo ka mid ah saxiixyadooda cusub. Kubbad sare oo qurux badan oo uu soo qaaday Eberechi Eze ayuu si sahlan shabaqa ugu taabsiiyay Viktor Gyökeres.

Forest waxay ku sigteen inay si degdeg ah u soo yareeyaan farqiga, laakiin kubbad uu leexiyay Chris Wood ayaa ku dhacday birta sare. Arsenal ayaa iyana dhankooda birta garaacday daqiiqado kadib.

Ugu dambeyn, Zubimendi ayaa ciyaarta soo afjaray isagoo dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta. Daqiiqadii 81-aad, wuxuu madax awood leh ku dhaliyay kubbad uu soo karoosay Leandro Trossard, wuxuuna sidaas ku xaqiijiyay guul weyn oo ay gaartay Gunners.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *