Ciyaartoyda ka Maqan Kulanka Manchester Derby & Goorta la filayo soo laabashadooda

wararka premier league
wararka premier league

Kooxda Manchester City waxay doonaysaa inay kusoo laabato jidka guusha kadib fasaxii kulamada caalamiga ah, laakiin waa inay ka gudubtaa dhaawacyo isdaba joog ah si ay guul uga gaarto kulanka Manchester derby ee Axadda (maanta).

Cityzens waxay garoonkeeda Etihad Stadium kusoo dhoweynaysaa kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United, iyagoo doonaya inay soo afjaraan guuldarrooyin isku xigxigay, laakiin walaaca ugu weyn ee Pep Guardiola waa dhaawacyada.

Waa kan liiska ciyaartoyda ka maqan ama shaki ku jiro kulanka.

Xiddigaha la Xaqiijiyay inay Maqan Yihiin (Out)

  • Mateo Kovačić: Wuxuu maqnaan doonaa ilaa bartamaha bisha Oktoobar kadib qalliin looga sameeyay seeda.
  • Rayan Cherki: Wuxuu maqnaan doonaa ilaa dhammaadka Oktoobar kadib dhaawac culus oo soo gaaray.
  • Omar Marmoush: Dhaawac jilibka ah ayaa kasoo gaaray xulkiisa Masar. Guardiola wuxuu rajeynayaa inuu soo laabto kahor fasaxa xiga ee caalamiga ah.

Xiddigaha si Weyn looga Shakisanyahay (Doubt)

  • John Stones: Wuxuu ka baxay xulka England dhaawac muruqa ah awgiis. In kastoo lagu sheegay “tallaabo taxadar ah,” ma cadda inuu diyaar u noqon doono kulankan.
  • Rayan Aït-Nouri: Wuxuu ka baxay xulka Algeria. Guardiola wuxuu sheegay inuusan si buuxda uga soo kaban dhaawac canqowga ah.

Xiddigaha Shaki la Gelinayo (Questionable)

  • Joško Gvardiol: Wuxuu seegay seddexdii kulan ee hore. Inkastoo uu tababarka kusoo laabtay, lagama yaabo in si toos ah loogu soo bilaabo.
  • Abdukodir Khusanov: Waxaa la filayay inuu labo usbuuc maqnaado, taasoo ka dhigan inuu soo laaban karo kulankan.
  • Rico Lewis: Wuxuu ka baxay xulka U21 ee England dhaawac aan la cayimin, laakiin looma maleynayo inuu yahay mid halis ah.
  • Nico O’Reilly: Sida Lewis oo kale, wuxuu ka baxay xulka U21, laakiin waxaa laga yaabaa inuu diyaar ahaado.
  • Phil Foden: Wuxuu la dhibtoonayay dhaawacyo xilli ciyaareedkan. Fasaxa caalamiga ah ayaa laga yaabaa inuu siiyay waqti uu kusoo kabto.
  • Savinho: Wuxuu seegay xilli ciyaareedka oo dhan, laakiin wuxuu kusoo laabtay tababarka waxaana laga yaabaa inuu qeyb ka ciyaaro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *