RIKOODHKA FOOL-KA-FOOLKA AH: Kuma Gacan Sarreeya Loolanka Pep Guardiola vs. Ruben Amorim?

wararka ciyaaraha maanta
wararka ciyaaraha maanta

Inkastoo uu jiro farqi weyn oo xagga khibradda ah oo u dhexeeya Pep Guardiola iyo Ruben Amorim, haddana labaduba waxay maamulaan kooxo ka tirsan heerka ugu sarreeya kubadda cagta.

Guardiola wuxuu guulo taariikhi ah la gaaray kooxaha Barcelona, Bayern Munich iyo hadda Manchester City. Dhanka kale, Amorim wuxuu ku jiraa bilowga xirfad rajo leh, isagoo magaciisa ku dhisay Sporting CP kahor inta aan loo magacaabin tababaraha Manchester United.

Kahor kulanka Manchester Derby ee maanta, waxaan eegaynaa shantii kulan ee ay labadan tababare horay foodda isku dareen.

1. Sporting CP 0–5 Man City (15/2/22)

Kulankoodii ugu horreeyay wuxuu ahaa mid si weyn hal dhinac u rarnaa. Wareeggii 16-ka ee Champions League 2021-22, kooxda Guardiola ayaa si arxan darro ah 5-0 ugu xasuuqday Sporting oo uu hoggaaminayay Amorim, iyagoo afarta gool ka dhaliyay qeybtii hore ee ciyaarta. Waxay ahayd guuldarro xanuun badan oo Amorim kusoo gaartay Yurub.

2. Man City 0–0 Sporting CP (9/3/22)

Lugtii labaad, kooxda Sporting waxay awood u yeelatay inay sharaftooda ilaashadaan. Waxay barbaro goolal la’aan ah ku qabteen City garoonka Etihad, iyadoo Amorim uu xalal u helay weerarkii City. Inkastoo City ay u soo baxday wareegga xiga, Sporting waxay la laabatay barbaro sharaf leh.

3. Sporting CP 4–1 Man City (5/11/24)

Guardiola wuxuu filayay inuu mar kale Lisbon ku xasuuqo kooxda Amorim, laakiin isaga ayaa la kulmay guuldarro ceeb ah. Kulankii Champions League ee 2024-25, Sporting ayaa 4-1 ku garaacday City, iyadoo Viktor Gyökeres uu dhaliyay seddexleey. Waxay ahayd hadiyad sagootin ah oo Amorim uu siiyay taageerayaasha Sporting kahor inta uusan u dhaqaaqin Old Trafford.

4. Man City 1–2 Man Utd (15/12/24)

Bilo kadib guushii Lisbon, Amorim wuxuu booqday Etihad isagoo ah tababaraha Man Utd. Inkastoo natiijadu aysan ahayn mid weyn, guushu waxay u ahayd mid ka macaan. Soo laabasho cajiib ah oo daqiiqadihii ugu dambeeyay ah, oo ay goolal ka dhaliyeen Bruno Fernandes (rigoore) iyo Amad Diallo, ayaa siiyay Amorim guul lama filaan ah kulankiisii ugu horreeyay ee Manchester derby.

5. Man Utd 0–0 Man City (6/4/25)

Kulankoodii labaad ee Manchester derby wuxuu ahaa mid caajis ahaa oo ka duwan kii hore. Labada kooxoodba waxay awoodi waayeen inay shabaqa soo taabtaan, waxayna ku kala baxeen barbaro 0-0 ah. Natiijadan waxaa loo arkayay mid wanaagsan oo u ah kooxda Amorim ee United oo qaab ciyaareed liitay ku jirtay.

Isku-darka Guud ee Rikoodhka

  • Guulaha Pep Guardiola: 1
  • Guulaha Ruben Amorim: 2
  • Barbaro: 2

Goolasha la dhaliyay

  • Kooxaha Pep Guardiola: 7
  • Kooxaha Ruben Amorim: 6

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *