Sababta uu Lamine Yamal uga maqan yahay kulanka Barcelona ee Valencia

wararka ciyaaraha maanta
wararka ciyaaraha maanta

Guusha fasaxa caalamiga ah waxaa inta badan lagu qiyaasaa inta ay le’eg tahay liiska dhaawacyada marka ay ciyaartoydu soo laabtaan, marka taas lagu cabbiro, Barcelona ma aysan helin fasax wanaagsan.

Kooxda Hansi Flick waxaa durba saaran cadaadis yar iyagoo dhibco hore ka lumiyay Real Madrid, waxaana hawshooda caawa ee Valencia sii adkeeyay maqnaanshaha ciyaartoy muhiim ah. Flick waxaa ka maqan Gavi, laakiin waxaa u diyaar ah Pedri.

Si kastaba ha ahaatee, walaaca ugu weyn wuxuu yahay maqnaanshaha da’yarkooda hibada gaarka ah leh ee Lamine Yamal.

Waa maxay sababta uusan Lamine Yamal u ciyaarayn?

Kooxda Barcelona waxay xaqiijisay in Yamal uu “dareemayo dhibaato dhanka gumaarka ah” uuna seegi doono kulanka Valencia ee caawa.

Sida ay dhibaatadu ku timid ayaa ah waxa si weyn uga xanaajiyay tababare Flick, kaasoo si toos ah farta ugu fiiqay xulka qaranka Spain.

“Wuxuu u tagay inuu u ciyaaro Spain isagoo xanuun qaba mana uusan tababaran,” ayuu yiri tababaraha Barcelona isagoo aad u xanaaqsan.

“Waxay siiyeen daawooyin xanuun baabi’iye ah si uu u ciyaaro. Labada kulanba waxay ku hogaaminayeen ugu yaraan seddex gool, haddana wuxuu ciyaaray 73 iyo 79 daqiiqo. Kulamada inta u dhaxaysay, ma uusan awoodin inuu tababarto. Taasi ma ahan daryeelidda ciyaaryahanka. Aad ayaan uga murugooday arrintan.

Wararka ayaa sheegaya in xulka Spain ay ka naxeen eedeymaha Flick.

Goormuu soo laaban doonaa Lamine Yamal?

Xaaladdu waa mid ka careysiisay Flick iyo Barcelona, laakiin looma maleynayo in Yamal uu muddo dheer maqnaan doono. Si kastaba ha ahaatee, tababaraha ayaa durba shaki geliyay xaaladdiisa ku aaddan kulanka Champions League ee ay la leeyihiin Newcastle United maalinta Khamiista.

Ilaa hadda, lama cayimin taariikh rasmi ah oo uu kusoo laabanayo. Maqnaanshihiisa waxay ku qasbi doontaa Flick inuu isbeddel ku sameeyo shaxdiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *