
Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa shaaca ka qaaday jadwalka uu u degay Alexander Isak, iyadoo ciyaaryahanka ugu qaalisan kubadda cagta Britain uu dib u dhac ku yimid kulankiisii ugu horreeyay ee Reds.
Go’aan ayaa lagu gaaray inaan lagu darin weeraryahankan reer Sweden qorshaha safarkii Burnley, iyadoo kooxda heysata horyaalka ay si tartiib ah ula qabsanayso saxiixooda £125-ka milyan ah. Go’aankan ayaa yimid inkastoo Liverpool ay weerar ahaan ku dhibtootay inta badan ciyaarta ay 1-0 kaga badiyeen Burnley.
Sababta looga Reebay Kulankii Burnley
Maadaama Isak uu inta badan xagaaga ku qaatay isagoo shaqo joojin ka sameeyay St James’ Park si uu heshiiskan u xaqiijisto, waxaa ka dhiman taam ahaansho iyo firfircooni ciyaareed. Sidaas darteed, tababare Slot kuma degdegayo inuu kusoo bilaabo saxiixa rikoodhka ah ee Liverpool.
Qorshaha Tababare Slot ee Isak
Isagoo ka hadlayay ciyaarta kadib, Slot wuxuu sharxay qorshihiisa:
“Waxaad go’aan u qaadataa sabab wanaagsan, iyo dood wanaagsan. Go’aankaas wuxuu ahaa sababtoo ah wuxuu seegay tababar kooxeed muddo. Wuxuu ku jiraa usbuuciisii labaad ama seddexaad ee xilli-ciyaareedka ka hor. Waxaan siinay usbuuc tababar oo sax ah.”
Wuxuu intaas ku daray: “Kadib waxaan u maleyneynaa in laga yaabo inuu heli doono wax ka badan 10 ama 15 daqiiqo kulankeena Arbacada (Champions League), taasina waa habka aan ku dhiseyno isaga. Wuxuu u baahan yahay waqti ciyaareed oo sax ah laakiin sidoo kale in la dhiso si uu u helo aasaas wanaagsan.”