Man United oo heshay guul muhiim ah kulan ay labada kooxoodba kaarar cas ka qaateen

wararka Premier league
wararka Premier league

Kooxda Manchester United ayaa gaartay guul aad muhiim u ah, iyagoo 2-1 kaga adkaaday Chelsea kulan ka tirsan Premier League oo ay labada kooxoodba kaarar cas ka qaateen garoonka Old Trafford.

Kooxda Ruben Amorim waxay ciyaartan soo gashay iyadoo cadaadis weyn saaran yahay, laakiin waxaa si weyn u caawisay shan daqiiqo oo kaliya markii ay ciyaartu socotay in kaar cas oo toos ah laga siiyo goolhayaha Chelsea ee Robert Sánchez.

Qeybtii hore ee qaska badneyd

United waxay ka faa’iideysteen naaqisnimada kooxda martida ahayd toban daqiiqo kadib, markii Bruno Fernandes uu dhaliyay goolkiisii 100-aad ee kooxda. Goolkaas ayaa la ansixiyay kadib hubin dheer oo VAR ah.

Casemiro ayaa hoggaanka u labeeyay United kadib markii uu madax ku dhaliyay kubbad ka timid qalad daafac oo ay galeen Chelsea.

Laakiin xiddiga reer Brazil wuxuu geesi ka noqday dambiile waqtigii dheeriga ahaa ee qeybta hore, markii la siiyay jaalihiisii labaad ee ciyaarta kadib qalad uu galay, taasoo ciyaarta ka dhigtay 10 vs 10.

Dadaalkii Chelsea ee aan guuleysan

Qaskii qeybta hore wuu yaraaday qeybtii labaad, iyadoo United ay taxadar muujisay, Chelsea na ay kalsooni heshay.

Dadaalkoodii waxaa lagu abaalmariyay toban daqiiqo markii ay ciyaartu ka harsanayd, markaasoo Trevoh Chalobah uu madax ku dhaliyay kubbad uu ka helay Reece James, taasoo cabsi gelisay Old Trafford.

Si kastaba ha ahaatee, Blues way awoodi waayeen inay helaan goolkii barbaraha, waxaana United ay si adag u difaacatay si ay u xaqiijiso guusheedii labaad ee xilli ciyaareedka. Guushan waxay si ku meel gaar ah u dejineysaa cadaadiskii saarnaa Amorim, waxayna muujisay in kooxdu ay weli awood u leedahay inay u dagaallanto natiijooyinka xitaa xilliyada adag.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *