
Waxaa jira dagaal kooxaha waaweyn ah garoonka Emirates Stadium galabnimada Axadda (maanta) marka ay Arsenal martigeliso Manchester City kulankoodii labaad ee imtixaanka horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan.
Gunners, oo saddexdii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay kaalinta labaad gashay, waxay guuldarro kala kulmeen kooxda heysata horyaalka ee Liverpool kahor fasaxii caalamiga ahaa. Si kastaba ha ahaatee, way kasoo kabteen iyagoo badiyay labadoodii kulan ee ugu dambeeyay, daafacooda cajiibka ah ayaana weli ah mid adag, iyadoo hal gool oo kaliya laga dhaliyay xilli ciyaareedkan.
City ayaa iyana awooddeeda muujisay guushii 3-0 ahayd ee ay ka gaareen Manchester Derby, laakiin daafacooda ayaa ah mid jilicsan.
Goorta & goobta ay tahay ciyaarta?
- Goobta: London, England
- Garoonka: Emirates Stadium
- Taariikhda: Axad, September 21, 2025
- Saacadda: 6:30 PM (Maqribkii) – Saacadda Geeska Afrika
Rikoodhka fool-ka-foolka ah
- Arsenal: 3 Guulood
- Man City: 0 Guulood
- Barbaro: 2
- Kulankii Ugu Dambeeyay: Arsenal 5–1 Man City (Feb. 2, 2025)
Warbixinta labada kooxood
Arsenal Arteta wuxuu qiray in seddexdiisa ciyaaryahan ee muhiimka ah Bukayo Saka, Martin Ødegaard iyo Ben White ay dhaawacyo qabaan oo ay aad ugu dhowdahay inaysan kusoo bilaaban. Wararka wanaagsan ayaa ah in William Saliba uu si buuxda taam u yahay oo uu kusoo laaban doono daafaca. Kai Havertz iyo Gabriel Jesus ayaa weli maqan.
Manchester City City waxaa la hubaa inay weyn doonto Omar Marmoush, Rayan Cherki iyo Mateo Kovačić. Laakiin walaaca ugu weyn waa shaki la geliyay taam ahaanshaha Rodri, kaasoo la beddelay kulankii Champions League. John Stones iyo Rayan Aït-Nouri ayaa sidoo kale shaki ku jiraa.
Shaxaha la filayo (Predicted Lineups)
Arsenal (4-3-3): Raya; Timber, Saliba, Gabriel, Calafiori; Merino, Zubimendi, Rice; Madueke, Gyökeres, Eze.
Man City (4-1-4-1): Donnarumma; Khusanov, Dias, Gvardiol, O’Reilly; Rodri; Silva, Foden, Reijnders, Doku; Haaland.
Saadaasha ciyaarta
Kulamada u dhexeeya Arteta iyo macalinkiisii hore ee Guardiola inta badan waa kuwo taxadar badan. Arteta wuxuu u badan yahay inuu ku tiirsanaado daafaciisa adag. City waxay u badan tahay inay ku farxi doonto barbaro ay ka hesho garoon adag sida kan. Iyadoo labada kooxoodba ay ka maqan yihiin qaar ka mid ah ciyaartoydooda ugu muhiimsan, kulankan wuxuu noqon karaa mid ay go’aamiso tayada keydka.