
Kooxda Barcelona ayaa kusoo laabanaysa horyaalka La Liga Axadda (maanta) iyagoo garoonka Estadi Johan Cruyff ku martigelinaya kooxda Getafe.
Kooxda reer Catalan waxay ololaheeda Champions League ku bilaabatay guul ay ka gaartay Newcastle United Khamiistii, iyadoo Marcus Rashford uu labo gool dhaliyay. Waxay rajaynayaan natiijo la mid ah tii ay 6-0 kaga badiyeen Valencia kulankoodii ugu dambeeyay ee garoonkooda.
Dhanka kale, Getafe waxay ku raaxaysanaysaa bilowgeeda xooggan ee xilli ciyaareedka, iyagoo badiyay seddex ka mid ah afartoodii kulan ee ugu horreeyay.
Goorta & goobta ay tahay ciyaarta?
- Goobta: Barcelona, Spain
- Garoonka: Estadi Johan Cruyff
- Taariikhda: Axad, September 21, 2025
- Saacadda: 10:00 PM (Habeennimo) – Saacadda Geeska Afrika
Rikoodhka fool-ka-foolka ah
- Barcelona: 21 Guulood
- Getafe: 2 Guulood
- Barbaro: 7
- Kulankii Ugu Dambeeyay: Getafe 1–1 Barcelona (Jan. 18, 2025)
Warbixinta labada kooxood
Barcelona Waxaa la filayaa in Catalans-ka uu mar kale ka maqnaado Lamine Yamal oo kasoo kabanaya dhaawac. Gavi, Alejandro Balde iyo Marc-André ter Stegen ayaa iyagana la filayaa inay maqnaadaan, halka Pau Cubarsí uu shaki ku jiro. Marcus Rashford ayaa la filayaa inuu booskiisa sii xajisto kadib labadiisii gool.
Getafe Javier Munoz iyo Juanmi ayaa shaki ku jiraa inay ciyaaraan. Waxaa la filayaa inay ku ciyaaraan shax shan daafac ah si ay u dhibaatayeen Barcelona. Xidigooda ugu muhiimsan ilaa hadda waa Luis Milla, kaasoo afar caawin sameeyay afar kulan.
Shaxaha la filayo (Predicted Lineups)
Barcelona (4-2-3-1): García; Koundé, Araújo, Christensen, Martín; De Jong, Pedri; Raphinha, Olmo, Rashford; Lewandowski.
Getafe (5-3-2): Soria; Kiko, Djené, Duarte, Abqar, Rico; Milla, Martin, Arambarri; Liso, Mayoral.
Saadaasha ciyaarta
Barcelona waxay u baahan tahay inay la socoto Real Madrid oo dhibco buuxa haysata. Waa inaysan dhayalsan Getafe oo si fiican ku bilaabatay xilli ciyaareedka. Inkastoo Getafe ay soo bandhigtay awood ay ku dhibaateyso kooxaha waaweyn, tayada weerarka Barcelona xitaa iyadoo uu Yamal maqan yahay, waa inay noqotaa mid ku filan inay ku helaan seddexda dhibcood.