
Kooxda Arsenal waxay xaqiijisatay guusheedii labaad oo xiriir ah ee Champions League, iyagoo 2-0 kaga adkaaday kooxda Olympiacos habeenimadii Arbacada garoonka Emirates Stadium. Goolal ay kala dhaliyeen Gabriel Martinelli iyo Bukayo Saka ayaa hubiyay seddexda dhibcood, inkastoo kooxda martida loo ahaa ay mararka qaar cabsi gelinaysay.
Waa guushii seddexaad oo xiriir ah ee ay Gunners gaarto tartamada oo dhan, waxayna sii wadataa qaab ciyaareedkeeda wanaagsan tan iyo guuldarradii Liverpool.
Bilowgii xoogganaa ee Gunners
Arsenal waxay ciyaarta ku bilaabeen kalsooni, waxayna ahayd inay hoggaanka qabtaan labo daqiiqo gudahood. Gabriel Martinelli ayaa helay fursad dahabi ah, laakiin si la yaab leh ayuu madax banaanka u dhigay isagoo sideed yaardi oo kaliya u jira goolka.
Si kastaba ha ahaatee, Martinelli si degdeg ah ayuu u saxay qaladkiisii, isagoo dhaliyay goolkiisii seddexaad shantii kulan ee ugu dambeysay. Xiddiga reer Brazil wuxuu helay kubbad fudud oo uu shabaqa ku taabsiiyo kadib markii laad uu tuuray Viktor Gyökeres uu birta kasoo laabtay.
Dadaalkii Olympiacos & badbaadadii Raya
Inkastoo Arsenal ay si weyn u domineysay, waxay u baahdeen badbaadin cajiib ah oo uu sameeyay David Raya si ay hoggaankooda u ilaashadaan. Weeraryahankii hore ee Wolves, Daniel Podence, ayaa laad awood leh ku toogtay goolka, laakiin goolhayaha reer Spain ayaa muujiyay awood cajiib ah.
Qeybtii labaad, kooxda reer Greece waxay muujiyeen kalsooni, waxayna xaddideen fursadihii Arsenal. Waxay xitaa shabaqa soo taabteen laakiin goolkaas waa la diiday garab-dhaaf awgiis, taasoo digniin weyn u ahayd Gunners.
Goolkii deganaanshaha keenay
Mikel Arteta, oo lix isbeddel ku sameeyay shaxdii Newcastle, wuxuu keydka ka keenay xiddigihiisa waaweyn sida Bukayo Saka iyo Eberechi Eze. Cadaadiskii Arsenal ayaa ugu dambeyn miro dhalay waqtigii dhimashada. Baas cajiib ah oo uu bixiyay Ødegaard ayuu Bukayo Saka si awood leh kubadda u dhex dhigay lugaha goolhayaha, isagoo sidaas ku xaqiijiyay guusha.
Guushan waxay Arsenal dhigeysaa meel aad u wanaagsan oo ay kaga soo bixi karto group-keeda Champions League.
Qiimeynta ciyaartoyda Arsenal (4-3-3)
(Qiimeynta waxaa laga soo xigtay FotMob)
- GK: David Raya – 8.3
- RB: Ben White – 6.9
- CB: William Saliba – 7.2
- CB: Gabriel – 7.0
- LB: Myles Lewis-Skelly – 7.7
- CM: Martin Ødegaard – 8.4
- CM: Martín Zubimendi – 7.7
- CM: Mikel Merino – 7.6
- RW: Gabriel Martinelli – 7.9
- ST: Viktor Gyökeres – 6.6
- LW: Leandro Trossard – 7.4