Rajada yar ee Real Madrid ee ah in ay si toos ah ugu soo baxdo wareega xiga ee Champions League ayaa waxaa sii xoojisay guul xamaasad leh oo ay 3-2 kaga badisay Atalanta Talaadadii.
Kylian Mbappe ayaa xilli hore gool u dhaliyay Madrid laakiin ma uusan dhameystirin qeybtii hore ee ciyaarta ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray, iyadoo Charles De Ketelaere uu rigoore ka dhaliyay.
Vinicius Junior iyo Jude Bellingham ayaa bilowgii qeybtii danbe ee ciyaarta si deg deg ah u dhaliyeyn goolal Madrid si ay u helaan boos neefsasho leh Ademola Lookman oo kubad xariif ah ka dhaliyay ayaa ciyaarta kuso gababowdy 3-2 ee madrid ku adkatay
36-daqiiqo markii ay ciyaarta socotay, taageerayaasha Madrid ayaa aad uga naxay aragtida Mbappe oo ku fadhiistay cawska isagoo anqawga haya. Ancelotti kama uusan labalabeyn, isagoo ku bedelay Rodrygo.
Waxay ahayd ceeb weyn maadaama tani ay ahayd mid ka mid ah qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa ee Mbappe ee shaadhka Madrid. Isagoo ka ciyaaraya door dhexe werarka, Faransiisku wuxuu ahaa khatar weyn oo gadaal ka socota, taabashadiisa quruxdaa leh ee goolka furitaanka ayaa si fudud u soo jiidatay tayada, laakiin ma uusan helin fursad uu ciyaarta ku dhameysto.