Barcelona ayaa lguul daro kala kulantay Las Palmas oo fadhiso kalinta 14aad ee ciyaaraha laliga, barca waxayna ciyaartay kulanki saddexaad oo xidhiidh ah oo La Liga iyada oo aan wax guul ah gaadhin si ay albaabka ugu furto Real Madrid tartanka horyaalka.
shirkadda Estadi Olimpic Lluis Companys, halkaasoo barcalona ay si sharaf leh ugu dabaaldegayeen sannad-guuradii 125-aad. Weeraryahankii hore ee Barcelona Sandro Ramirez ayaa Las Palmas si lama filaan ah hogaanka ugu dhiibay kooxdiisa Las Palmas, Laakiin Raphinha ayaa usoo celiyay goolkii lugu bilaabay, Fabio Silva ayaa mar kale hogaanka u dhiibay kooxda jasiiradaha Canary, taasoo ay ku guuleysteen inay xajiyaan guul taariikhi ah oo ciyaaraha laliga 2-1 ah.
Barca ayaa lumiyay daafaca bidix Alejandro Balde dhaawac cabsi leh marxaladihii hore, laakiin ugu yaraan waxey heshay fursad ee uu ku soo dhaweeyaan garabka Lamine Yamal oo kursiga keydka kasoo kacay qeybtii labaad.